Maxkamada Sare ee Kenya oo joojisay dacwado loo haystay Ku xigeenka Madaxa Caddaalada

0
661

Maxkamada Sare ee Kenya oo joojisay dacwado loo haystay Ku xigeenka Madaxa Caddaalada

Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa amartay in la sii daayo ku xigeenka Madaxa Cadaalada dalkaas Philomena Mwilu oo la xirey maalin kahor iyadoo lagu eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin musuqmaasuq,bixin canshuur ku waajibtay iyo in si xun ula dhaqantay bangi.

Garsoore Chacha Mwita ayaa markii uu dhageystay labada dhinac amar ku bixiyay in dacwadaha ka dhanka ah ku xigeenada madaxa cadaalada la soo hadal qaado 9-ka bisha tobnaad ee sannadkan.

Waxay tani micnaheedu tahay inuu hakad geliyay dhageysiga eedeyamaha loo soo jeediyay Mrs. Mwilu.

Garsooraha ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay uu fududeynayo in marka ugu horeysay xal laga gaaro waxyaabaha dastuurka ku aaddan ee labada dhinac ay isku hayaan.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka dalka Kenya Nuuradiin Maxamed Xaaji ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay in Mwilu ayaa ku takri fashay awooda xafiiskeeda ayna carqaladaysay sharafta sharciga dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa bilowday olole lagula dagaalamayo musuqmaasuqa waxana uu dambiyo musuqmaasuq ku soo oogay ku xigeenkii hore ee agaasimaha sirdoonka dalka Kenya Haji tobanaan ruux oo ka mid ah mas’uuliyiinta dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here