Gaashaan Buurta NATO Oo Ka Walaacsan Dhoola Tus Ruushku Dhigayo

0
675

Gaashaan Buurta NATO Oo Ka Walaacsan Dhoola Tus Ruushku Dhigayo

Gaashaan buurta NATO ayaa ku tilmaantay go’aanka Ruushku ku qabanayo dhoola tuskii milatari ee ugu weynaa muddo tobanaan sanadood ah, mid muujinaya in Ruushku is biday cudud uu isku kala bixiyo.

Af-hayeenka NATO, Dylan White, ayaa sheegay in qaramada oo dhami xaq u leeyihiin in ay dhoola tus milatari sameeyaan, laakiin ay muhiim tahay in ay ahaadaan kuwo loo qabto hab hufan oo muuqda.

 

Waxa uu sheegay in NATO lagu wargeliyey dhoola tuska Ruushku maagan yahay oo ay ka fiirsanayso in ay aqbasho marti qaadkaas oo ay goob joogeyaal u dirto iyo in kale.

Dhoola tusku waxa uu dhici doonaa bisha dambe, waxaanu wasiirka gaashaan dhigga ee Ruushka,Sergei Shoigu, sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan qiyaastii saddex boqol oo kun oo ciidan ah, kun diyaaradood iyo dheeraad iyo laba raxamood oo maraakiibta dagaalka ah oo dul heehaabayaan diyaarado ka kacaya maraakiibtaas.

Dhoola tuskani waxa uu ku soo beegmay iyada oo walaaca ay dalalka reer Galbeedku ka qabaan daandaansi Ruushka kaga yimaad uu aad u sii kordhay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here