Soomaali ka baxsatay xabsi ku yaala magaalada Tripoli iyo dowladda oo ka hadashay

0
687

Soomaali ka baxsatay xabsi ku yaala magaalada Tripoli iyo dowladda oo ka hadashay

Dagaal u dhaxeeya kooxo hubeysan oo Liibiyaan ah ayaa ka dhacaya magaalada Tripoli ee caasimada dalka Libya, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Kooxaha hubeysan ee ku dagaalamaya magaalada Tripoli, ayaa ku tartamaya la wareegida maamulka magaalada, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen ku dhawaad shan ruux 10 kalana ay ku dhaawacmeen.

Meelaha lagu dagaalamayo, waxaa kamid ah xabsiyo ay ku xirnaayeen Soomaali tahriib ahaan ku gaaray magaalada Tripoli, kuwaasi oo qaarkood la sheegay inay ka baxsadeen xabsiga kadib markii ay ka baqeen inay rasaasta saameyso.

Xabsiyo badan oo ay ku xirnaayeen Soomaali tahriib ah ayaa albaabada loo balaqay, sida uu xaqiijiyay  Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub Danjire Ali Saciid Faqi.

“Waxaa dhamaan waalidiinta dhalinyarada ku xiran xabsiyada Libya la ogeysiinayaa in dagaal culus uu ka dhacay magaalada Tripoli, dhawr xabsi oo Soomalida ku sugneed ayaa irida loo balaqey, waxay safaarada ka shaqeynaysaa in dhalinyarada meel la isugu keeno”. Ayuu yiri Danjire Cali Faqi.

Soomaali badan ayaa ku xiran xabsiyada ku yaalla dalka Liibiya, intooda badan waxaa loo heystaa falal la xiriira burcad badeednimo, dowladda Soomaaliya ayaa dhawr mar dalka keentay maxaabiis, welina waxaa socda hawlo lagu soo daabulayo maxaabiista ku xiran dalka dibaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here