Soomaaliya iyo Japan oo dib taabagelinaya heshiisyadii horey u dhexmaray labada dal

0
675

Soomaaliya iyo Japan oo dib taabagelinaya heshiisyadii horey u dhexmaray labada dal

Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Salaad Xasan ayaa kula kulmay Magaalada Tokyo ee caasimadda Japan masuuliyiinta sare ee Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ee Japan “JICA”, isaga oo kala hadlay iskaashiga laba geesoodka si loo gaaro guullo wax ku ool ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyada oo loo marayo dib u taabagelinta heshiisyadii hore ee labada dal ay u kala saxiixdeen si loo sii ambaqaado wax wadaagga iskaashiga istiraatiijiga leh ee qaadaya tubta cusub.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso shirkadaha Japan, waxa ayna siinaysaa fursado ay ku maalgeshtaan dhinacyo badan oo u adeegaya danaha wadaagga ah.

Japan ayaa ka mid ah wadamada xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna horey qeyb qaadatay barnaamijyo badan oo lagu taageerayay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here