Xoghayihii ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo lagu xiray Hargeysa

0
782

Xoghayihii ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo lagu xiray Hargeysa

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maalintii labaad uu halkaa ku xidhan yahay Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo ah xoghayihii xafiiska ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Hay’adaha ammaanka ee Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin xadhiga mas’uulkan, hase yeeshee warar xog ogaal ah ayaa BBC u sheegay in Cabdiqani Yaasiin Maxamed ay ciidanka boliiska ee Hargeysa ka soo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa oo ay xidheen.

Hore ayaa dad xilal ka soo qabtay dawladda Soomaaliya waxaa loogu xiray Hargaysa, ayadoo Somaliland ay meel adag ka taagan tahay dadka xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ama ka qayb gala shirar aysan raalli ka ahayn ee yimaada magaalooyinkeeda.

Dhawaan ayey ahayd markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) loo xiray kulan dhaqameed uu uga qayb galay Puntland.

Waxaa ka sii horraysay Naciima Abwaan Qorane oo iyadana muddo ku xirnayd xabsi ku yaalla Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here