Madaxweynaha cusub ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo gaaray magaalada Jigjiga

0
725

Madaxweynaha cusub ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magalada Jig-jiga.

Mustaf Muxumad Cumar ayaa waxaa soo dhoweeyay boqolaal ruux oo ka mid ah shacabka magaalada Jigjiga iyo mas’uuliyiin ka mid ah maamulka DDSI.

Madaxweynaha DDSI Mustaf Muxumad ayaa ku sugnaa magaalada Addis Ababa tan iyo markii la magacaabay waxaana la dejiyay Madaxtooyada Jigjiga oo ay dhowaan ammaankeeda la wareegeen ciidamo Milatari ah.

Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa u riyaaqay hadalo ka soo yeeray madaxweynaha cusub,isagoo sheegay in la bedelayo calanka iyo astaanka calanka iyo weliba magaca deegaanada ay Soomaalida ka degto dalka Itoobiya.

Jabhada mucaaradka ONLF ayaa sidoo kale soo dhoweysay hogaamiyahan cusub iyagoo sheegay inay isku mowqif yihiin.

Madaxweyne Mustafa ayaa lagu wadaa in uu shir guddoomiye kulan loogaga hadlayo mustaqbalka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kaasoo la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Jigjiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here