DEG DEG : Somaliland oo sii deysay wasiirro ka tirsanaa maamulkii hore ee DDSI+MUUQAAL

0
863

DEG DEG : Somaliland oo sii deysay wasiirro ka tirsanaa maamulkii hore ee DDSI+MUUQAAL

Wasiir ka tirsan golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland ayaa BBC u sheegay in ay sii daayeen laba wasiir oo ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, wuxuu BBC u sheegay in Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), wasiirkii hore ee waxbarashada, iyo Cabdijamaal Axmed Qaloombi, wasiirkii hore ee cadaaladda maanta la sii daayey.

Labada wasiir waxaa laga qabtay garoonka dayaaradaha ee Hargaysa, 21kii bishan Agoosto, ayagoo doonayey inay halkaa ka dhoofaan.

Maxamed Kaahin Axmed wuxuu sheegay in labadaas wasiir loo haystay “in ay sharciga u gafeen oo ay Visa la’aan dalka soo galeen”, laakinse faahfaahin intaa dhaafsiisan ma uusan bixin.

Xubnihii ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ayaa badankood hadda waxay yihiin kuwo aan shaqayn, ama shaqooyinkii ay hayeen isaga tegey, waxaana lagu eedeynayaa inay xadgudubyo gaysteen, inkastoo aysan jirin cid weli eedahaas maxkamad loo soo taagay.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa isaguna, sida ay wararku sheegayaan, wuxuu ku jiraa xabsi guri, magaalada Addis Ababa, ayadoo ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu shalay warfidiyeenka u sheegay in “arrintiisa ay tahay mid u taalla sharciga Itoobiya”.

 

https://www.youtube.com/watch?v=69omweAQ4uQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here