Baarlamaanka DDSI oo xasaanadii ka qaaday Madaxweynihii hore Cabdi Maxamud Cumar

0
938

Baarlamaanka DDSI oo xasaanadii ka qaaday Madaxweynihii hore Cabdi Maxamud Cumar

Kulan uu maanta yeeshay Baarlamaanka Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayay xasaanadii ugaga qaadeen Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar iyo toddobo xubnood oo ka tirsanaa Baarlamaanka.

Baarlamaanka oo markii ugu horeysay kulmay tan iyo markii horaantii bishan ay rabshado ka dhaceen magaalooyin ka mid ah Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale waxa uu ansixiyay Madaweynanimada Mustafa Cagjar.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa uu baabi’iyay degmooyin iyo gobolo uu hore u sameeyay Maamulkii hore, waxaana baarlamaanka uu yeelan doonaa kulamo kale oo isbedel loogaga sameyn doono ismaamulka soomaalida Itoobiya.

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo haatan ku jira xabsi guri ayaa laga yaabaa in maxkamad la soo hortaago.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay maamulkii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida inay six un ula dhaqmi jireen maxaabiista arrimaha siyaasada.

Maxaabiista arrimaha siyaasada ee gobolka Soomaalida Itoobiya waxaa hal meel lala gelin jirey libaaxyo iyo waraabayaal iyadoo qaabkaa uu ahaa mid kamid ah ciqaabista mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here