Khadka Internetka oo dib loogu soo celiyey bariga Itoobiya

0
737

Khadka Internetka oo dib loogu soo celiyey bariga Itoobiya

Deegaannada bariga Itoobiya oo dhulka Soomaliduna uu ku jiro ayaa waxaa dib u soo laabtay Internetka oo laga jaray markii ay rabshaduhu ka billowdeen horraantii bishan.

Ujeeddada Internetka loo jaray lama sheegin, hase yeeshee wuxuu jaritaanku salka ku hayey in laga hor tago in aan nacayb iyo rabshado dheeraad loo adeegsan in lagu huriyo.

Hase yeeshee dadka u dhaqdhaqaaqa xorriyadda hadalka iyo xuquuqda helitaanka wararka waxay ku doodayaan in shacabka laga hor istaagay xuquuq aasaasi ah oo ay lahaayeen.

Arrintan ayaa ku soo beegantay ayadoo la isugu yeeray baarlamaanka dawlad deegaanka Soomaalida inay isugu yimaadaan shir aan caadi ahayn oo berri ka dhici doona magaalada Jigjiga.

Inkastoo aan la sheegin arrimaha uu shirkaas ku saabsan yahay, ayaa haddana waxaa la filayaa inuu la xiriiro isbeddelada dhawaan looga dhawaaqay Addis Ababa, sida calanka dawlad deegaanka iyo astaanta calanka.

Wararka ka imaanaya Jigjiga ayaa iyagana sheegaya in xarunta madaxtooyada ee magaaladaas lagu arkay ciidan milateri ah oo gaar ka haya.

Hore waxaa xarunta u ilaalin jiray ciidanka Liyuu Booliska oo ahaa ciidan uu abuuray madaxweynihii hore, Cabdi Maxamuud Cumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here