Tirada Xujay Soomaalida Ah Oo Ku Geeriyooday Xajka Iyo Magacyadooda

0
848

Tirada Xujay Soomaalida Ah Oo Ku Geeriyooday Xajka Iyo Magacyadooda

Waxaa gudashadii xajka ee sannadkan ku geeriyooda alle ha u naxariistee inta la ogyahay laba xujay oo Soomaali ah halka tiro kale ay dhaawacantay kadib markii shalay ay cidhiidhi ka dhacday Magaalada Mina.

Labada Xaaji ee Soomaalida ah ee halkaasi ku geeriyooday ayaa waxa magacyadooda lagu sheegay Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale iyo Xaaji Axmed Saalax, kuwaasi oo ku sugnaa Magaalada Mina oo u jirta Magaalada Barakaysan ee Maka 5km.

Saraakiisha ammaanka Sucuudiga ayaa waxa ay sheegeen in meydadka labadan xaaji ay ku sii jiri doonaan tallaagadaha ama qaboojiyaha lagu keydiyo meydadka inta uu ka dhammaanayo gudashada waajibaadka Xajku.

Inta badan waxaa sannad walba ku dhinta gudashada waajibaadka xajka xujaaj tiro badan kuwaasi oo inta badan ka dhasha cidhiidhiga xujuujta taasi oo keenta inay dad badani ku nafwaayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here