Qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud oo saaka maalinta koowaad laga ciidayo

0
847

Qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud oo saaka maalinta koowaad laga ciidayo

Qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa maanta oo Arbaco ah laga ciidayaa maalintii koowaad ee Ciidul Adxa, xilli maalintii shalay Gobolada dalka Soomaaliya iyo dalalka Muslimiinta laga ciiday maalintii koowaad.

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya inay ka socdaan dabaal degyada Ciida maalinta koowaad, iyadoo xalay maamulka magaalada uu ku dhawaaqay in maanta oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciida.

Masaajidada ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ayaa saaka laga maqlayay Takbiirta, iyadoo lagu dukaday salaada Ciida.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale ayaa salaada Ciida la dukaday dadweynaha magaalada Dhuusa Mareeb.

Inta badan Gobolada Dhexe ayaa ah deegaanada laga khilaafo maalmaha ciida iyo Soonka oo aanay gobolada kale ee dalka iyo Dunida Muslim isku waqti la ciidin ama la soomin, iyagoo qiil ka dhigta in aan bisha laga arkin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here