Maxkamad Amartay In Xabsiga Lasoo Dhigo Taliyihii Ciidammada Sirdoonka Itoobiya

0
858

Maxkamad Amartay In Xabsiga Lasoo Dhigo Taliyihii Ciidammada Sirdoonka Itoobiya

War laga baahiyay TV-ga ESAT ayaa waxa lagu sheegay in maxkamadda Itoobiya ay amar ku bixisay in lasoo xidho taliyihii ciidmada Sirdoonka Qaranka Itoobiya Getachew Assefa kaasi oo lagu soo eedeeyay in uu falal dambiyeedyo aad u badan ka geystay dalka intii uu ahaa madaxa sirdoonka dalka Itoobiya.

Getachew Assefa ayaa waxa la sheegay in uu u baxsaday dalka Suudaan kaasi oo uu magangalyo waydiistay, waxaana aad loo tuhunsanyahay in uu taageero weyn ka helay maamulka gobolka Tigrey intuu uu baxsanayay.

Taliyahan oo kasoo jeeday qoomiyadda Tigrey ayaa la tilmaamay in meelaha uu tacaddiyada ugu badan ka geystay ay ka mid tahay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya isaga oo adeegsanayay gacanyarayaashiisa uu ka midka ahaa Cabdi Iley, kuwaasi oo xasuuq baahsan ka gaystay Ogaadeeniya.

Getachew Assefa ayaa waxa la sheegay in qoyskiisa uu mar hore ka dhoofiyay waddanka waxaana dawladda Itoobiya ay baadi goob ugu jirtaa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd.

Raysalwasaare Abiye Ahmed oo siyaasad aad u fur furan la yimid dalka Itoobiya ayaa waxa uu qaaday tallaabooyin badan oo qaarkood uu ku beegsanayo masuuliyiin hore oo uu ku eedeeyay dambiyo ka dhan ah xuquuqal insaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here