Madaxweynaha Maraykanka oo ku goodiyay in uusan Turkiga u tanaasulaynin

0
895

Madaxweynaha Maraykanka oo ku goodiyay in uusan Turkiga u tanaasulaynin

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku adkaystay in uusan dib uga laabanaynin is mariwaaga Turkiga kala dhexeeya ee salka ku haya baadariga Maraykanka ah ee xiran.

“Waxay ila tahay waa arrin murugo leh waxa Turkigu samaynayo,” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay “waxay ila tahay waxay samaynayaan waa khalad aad u wayn. Wax tanaasul ahna ma jiri doono.”

Wuxuu sheegay in ay la ahayd in Turkigu uu sii dayn doono baadari Andrew Brunson ka dib markii Maraykanku uu gacan ka siiyay in Israa’iil ay sii dayso muwaadiniinta Turkida ah ee u xirnayd.

Brunson ayaa diiday eedaymaha sheegaya in uu qayb ka ahaa afgambi ka dhan ahaa madaxweynaha Turkiga.

Trump ayaa canshuuro dul dhigay biraha iyo naxaasta uu Turkigu u dhoofiyo Maraykanka isaga oo arrintaas uga jawaabaya diidmada uu Recep Tayyip Erdogan uu diiday in uu sii daayo Brunson.

Erdogan iyo TrumpLahaanshaha sawirkaAFP

Madaxweynaha Maraykanka ayaa meel iska dhigay walaaca laga qabo in muranka u dhaxeeya labadan dal ee ka wada tirsan gaashaan buurta Nato uu wax wayn u dhimo dhaqaalaha Yurub iyo dhaqaalaha suuqyada soo koraya.

“Wax walaac ah ma qabo, ayuu yiri isaga oo xafiiskiisa Oval Office waraysi ku siinaya wakaaladda wararka ee Reuters. “Ma walaacsani. Waana mid wanaagsan in sidan la sameeyo, ayuu Trump yiri.

Khilaafka labadan dal ayaa saamayn wayn ku yeeshay qiimaha lacagra Turkiga ee Lira madaxweynaha Turkiga oo arrintaas aad uga carooday ayaana sheegay in weerar lagu soo qaaday dalkiisa.

Hoos ka daawo hadalka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here