Dagaalo culus oo Ciidanka xoogga dalka iyo Al-Shabaab ku dhex maray Marka

0
895

Dagaalo culus oo Ciidanka xoogga dalka iyo Al-Shabaab ku dhex maray Marka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada xoogga dalka iyo Al-Shabaab uu ka dhacay xaafado duleedka ka ah magaalada Marka.

Dagaalka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay xaafadaha dhaca dhanka deegaanka Jilib Marka ee duleedka magaalada Marka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay ku sii siqayaan jidka xeebta ee isku xira Muqdisho iyo Marka, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka ayaa sheegay in dagaalo goos goos ah oo ka dhacay duleedka Marka ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, ayna ku qabteen kuwa kale.

Ciidamada xoogga dalka ee uu hoggaaminayay Abaanduulihii hore Jen. Caanood ayaa qorshahooda ahaa sidii Al-Shabaab uga saari lahaayeen deegaanada xeebta ee isku xira Muqdisho iyo Marka, sida Jilib Marka iyo Gandarshe.

Magaalada Marka ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay qeybo ka mid ah ku sugnaa dagaalamayaal ka tirsan Shabaab iyo maleeshiyooyin hubeysan, waxayna aheyd magaalo ay qeybna AMISOM ka joogtay, qeyb Maleeshiyooyin hubeysan iyo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here