Mallaayiin Muslimiin Xujey ah oo maanta taagan Buurta Carafo

0
690

Mallaayiin Muslimiin Xujey ah oo maanta taagan Buurta Carafo

Mallaayiin Muslimiin Xujey ah ayaa maanta taagan Buurta Carafo, si ay u gutaan mid ka mid ah rugniga ugu weyn ee Acmaasha Xajka, iyadoo Muslimiinta kale ee aan sanadkan u suura gelin inay soo xajiyaan ay Sooman yihiin Sagaalaadka Carafo, si ay u helaan dambi dhaaf labo sano ah.

Xujeyda ayaa waxay isugu tageen Buurta Carafo ee Galbeedka Sacuudiga, halkaasoo uu khudbadisii u dambeeyay uu ka jeediyay Nabi Muxamed (NNKH), Nabi Muxamed (NNKH) ayaa yiri Xajku Waa Carafo, taasoo Culimada ay sheegeen in acmaasha ugu weyn ee Xajka inay dhaceyso maalinta Carafo.

Inkastoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ee Muslimiinta sanadkan xajineysa, hadana waxaa la qiyaasayaa inay ka badan yihiin illaa labo milyan oo ka kala yimid Caalamka daafihiisa.

Xujeyda ayaa maanta marka ay qorraxdu dhacdo waxay u dareeri doonaan dhanka Musdhalifa, si ay habeenkooda ugu qaataan alle bari, ama ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka, waxaana ay isku jamcin doonaan salaada maqrib iyo cisho.

Faa’iidooyinka ay leedahay Maalinta Carafo ayaa ah mid aad u weyn, waxaana muslimiinta looga baahan yahay in maanta oo kale ay ka faa’iideystaan, isla markaana duceystaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkan adeegyo cusub ku soo kordhisay Xajka, waxaana sugida amniga ka qeyb qaadanaya boqolaal kun askari, waxaana xujeyda kor ka ilaalinaya diyaarado, waxaana la ballaariyay difaaca cirka, maadaama dhowr jeer hore Xuutiyiinta Yemen ay gantaalo ku soo weerareen Sacuudiga.

Maalinta berri oo ah 10-ka Carafo waa Maalinta Ciidul Adxa , waa ciidaha uu Islaamku weyneeyo, waxaana looga baahan yahay Muslimiinta inay sadaqo la baxaan, qofkii awoodana uu gowraco neef, si uu u sadaqeysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here