Cilmi-baarayaal: Dumarku Ilbiriqsiyo Ayey Ku Soo Saaraan Mushaarka Ragga!

0
1417

Cilmi-baarayaal: Dumarku Ilbiriqsiyo Ayey Ku Soo Saaraan Mushaarka Ragga!

Daraasad Cusub ayaa daaha-ka-rogtay in dumarku ay ilbiqsiyo ku ogaan karaan dakhliga ninka ragga ah. arrintaas ayaa loo aaneynayaa dumarka oo leh awood u dhabbagal heersare ah,  waxey awoodaan iney aragtida, muuqaalka iyo wejiga ninka ragga ah ay ka ogaadaan xaaladdiisa dhaqaale.

Sida uu qoray website-ka “Oane.ws” ee dalka Ruushka laga leeyahay, Khubaradan ayaa hoosta ka xarriiqay in dumarku ay ogyihiin in ragga taajiriinta ah ay ku noolyihiin nidaam nololeed oo caafimaad oo ay ku jirto in ay qaataan cunno caafimaad, arrintaas oo saameyn wanaagsan ku reebta muuqaalkooda dibadda, halka aragtidiisa dibadda ay kalsooni badani ku jirto.

Khubaradan waxey intaa sii raaciyeen iney suuragal tahay in heerka bulsho iyo dabaqadda uu ka tirsan yahay ay dumarku ka ogaan karaan muuqaalkiisa wejiga.

Xilli sii horreysay, ayaa khubarada ay daahrogeen in marka ay dumarku 50 jir gaaraan ay ugu qurux badan yihiin, laakiin ay sidii hore ka gaaban yihiin. halka ragga wax isbedel ah oo sidaa u sii buuran aan noloshooda laga fileyn.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here