Dowladda Venezuela oo baaq u dirtay xukuumadda Brazil

0
686

Dowladda Venezuela ayaa ka codsatay xukuumadda Brazil in ay xaqiijiso ammaankamuwaadiniinteeda.Codsiga ayaa ka dambeeyay ka dib markii isku dhacyo ay ka dhaceen magaalada Pacaraima.Isku dhacyadani ayaa waxaa dab lagu qabadsiiyay xero ay ku jireen muhaajiriin u dhashay dalka Venezuela Dowladda Brazil ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay magaaladaasi waxa uuna madaxwayne Michel Temer isgu yeeray kulan degdeg ah.In ka badan 1000 qof oo u dhashay dalka Venezuela ayaa u soo gudbay dhanka xudduuda dalkooda ka dib isku dhacyadaasi.Waxa jirta naceyb sii kordhaya oo loo qabo tirada badan ee dadka Venezuela ee dalkooda ka qaxay kuwaasi oo gaaray dalalka dariska ah.Dadkan ayaa ka baxsanaya dhibaatada dhaqaale ee dhidibada sii aasanaysa ee ka taagan dalka Venezuela.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here