Shan qof oo Somali ah oo lagu dilay Magaalada Harar ee Dowlad deegaanka Somalida

0
982

Wararka ka imaanaya Magaalada Harar ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidanka Ismaamulka Oromada ay dileen shan qof oo Soomaali ah iyada oo sidoo kale ay dhaawaceen laba kale.Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay qabteen dadkaan islamarkaana ay Madaxa ka wada toogteen saddex ka midah dadka la dilay ayaa la sheegay in dhowaan laga soo siidaayay Xabsiga loo yaqaanno “Jeel-ogaadeen” kadib Markii Ra’iisulwasaare Abiy uu amar ku bixiyay in la siidaayo dadka ku xiran xabsiyada Maamulka Soomaalida Itoobiya.Xiisadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada wada-dega Itoobiya ayaa ah mid Maalimba Maalinta ka dambeyso cirka isku sii shareereysa.Deegaannada ay ka kala arimiyaan labadaan Qowmiyadood ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka iyada oo weli aysan jirin wax tallaabo ah oo ay qaaday Dowladda dhexe ee Itoobiya .Oromada Itoobiya ayaa horay waxaa ay u dileen dad badan oo Soomaali ah iyaga oo sheegaya in ay u aar gudayaan Oromo lagu dilay deegaannada Soomaalida.Ma jirto xal rasmi ah oo illaa iyo hadda Muuqda kaasi oo la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo labada dhinac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here