RW Khayre oo masuuliyiinta Safaarada Somaliya ee Sudan faray iney degdeg dalka ku soo galaan

0
717

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah oo fulinaysa amarka Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya XasanCali Khayre ayaa ku wargeliyay sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qaybsanayaasha ka hawl gala safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan in si deg deg ah ku ugu soo laabtaan xarunta wasaaradda arimaha dibadda si wadatashi loola yeesho mudda ku siman laba toddobaad oo ka bilaabanaysa 19/08/2018.Amarkaan oo maanta (18/08/2018) kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibaddaiyo Iskaashiga caalamiga oo uu ku saxiixanyahay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda, Danjire Siciid Xaaji Maxamuud, ayaa lagu war-geliyay mas’uuliyiinta in ay dhawraan waqtiga loo qabtay in ay dalka kusoo laabtaan.U yeeridda biblamaasiyiinta iyo hawl-wadeennada safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Khartuum ayaa ka dambeeyay cabsasho ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ay ka gudbiyeen mas’uuliyiinta safaaradda intii lagu guda jiray safarkii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen Khartuum.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here