Maxkamada Bujumbura oo 5 sano oo xarig ah ku xukuntay Maamule imtixaan u galay askari

0
599

Maxkamada Bujumbura oo 5 sano oo xarig ah ku xukuntay Maamule imtixaan u galay askari

Maxkamad ku taal dalka Burundi ayaa ku xukuntay Benjamin Manirambona shan sano oo xarig ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu imtixaan u galay askari ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee dalka Soomaaliya ku sugan.

Benjamin Manirambona oo ahaa maamule farsamada lagu barto ayaa sidoo kale lagu xukumay in muddo toban sano uusan macalin ka noqon karin dalkiisa uusana fariisan karin xafiis maamul dowladeed.

Boolis dhar cad ah ayaa ka soo xirey Jimcihii aynu ka soo  gudubnay Manirambona isagoo xiran dareeska ardayda xarun lagu qaadayay imtixaan.

Hase yeeshee Manirambona oo ahaa madaxa Machadka Farsamada ee Butere ee caasimada Burundi ee Bujumbura ayaa qirtey dambigii lagu soo oogay.

Waxana uu u sheegay Maxkamada inuu u fariistey imtixaan ah maadada elektroonikada isagoo iska dhigaya askari howlo nabad ilaalineed u jooga dalka Soomaaliya.

“Askariga waxa uu ii ballanqaaday inuu I siinayo lacag badan marka uu dib ugu soo laabto dalka Burundi.”ayuu yiri Manirambona.

Hase yeeshee lama oga in wax dacwad ah lagu soo oogayo  askariga la sheegay in loo galayay imtixaanka sidoo kale lama shaacin askarigan magaciisa iyo halka uu ka howlgalaba.

Sidoo kale waxa ay maxkamadu ku xukuntay min labo sano oo xariga ah iyo inaysan shan sano ka shaqeyn karin dalkooda labo ruux oo caawinayay Maamulaha la xukumay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here