Madaxweynaha Soomaaliya Oo Booqasho Ku Tagaya Dalka Jabuuti Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

0
570

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Booqasho Ku Tagaya Dalka Jabuuti Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu booqasho ku tego dalka Jabuuti.

Wuxuuna halkaasi kulan kula yeelan doonaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadli doonaa xidhiidhka dublumaasiyadeed ee labada dal u dhexeeyo.

Dhawaan ayay ahayd markii dawladda Jabuuti ayaa si cadho leh uga jawaabtay codsi uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyey magaalada Asmara, kaasoo ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabatayntii saarnayd tan iyo sannadkii 2009.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here