DEG DG: Madaxwayne Biixi oo Isku Shaandhayntii Abid ugu Wayneed Saameeyey, Baashe Cawil oo Safiirkii Imaaraadka Laga Badalay iyo Masuuliyiin kale

0
1309

DEG DG: Madaxwayne Biixi oo Isku Shaandhayntii Abid ugu Wayneed Saameeyey, Baashe Cawil oo Safiirkii Imaaraadka Laga Badalay iyo Masuuliyiin kale

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 13/08/2018

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-179/082018uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid

Markaan Arkay:         Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:         Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

 

Tir Magaca Xilka
1. Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya
2. Xasan Hirad Yaasiin Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta
3. Bashiir Sheekh Cumar Good Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka
4. Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar) Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC)
5. Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka

 

 

Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).

[

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here