Dadka reer Mali oo maanta u dareeraya wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada dalkaas

0
690

Dadka reer Mali ayaa maanta oo Axad ah u dareeraya wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada dalkaas, taas oo ay hadheeyeen walaac nabad gelyo iyo filan waa siyaasadeed.Madaxweynaha talada haya Ibraahim Boubacar Keita iyo hoggaamiyaha mucaaradka Soumaila Cisse ayaa wareegan labaad ku tartamaha.Keita aya wareegii hore ee bishii July dhacay waxa uu helay boqolkiiba 42, halka Cisse uu helay boqolkiiba 18, waxaanay markaa maxkamadda dastuuriga ahi waxba kama jiraan ka soo qaaday eedihii mucaaradka ee ahaa in codka lagu shubtay.Madaxweyne Ibraahim Boubacar Keita ayaa wareeggan la saadaalinayaa in uu si weyn uga guuleysan doono musharaxa la tartamaya ee Soumaila Cissé, oo ahaan jiray wasiirka maaliyadda ee dalkaasi.Ciidamo dheeraad ah ayaa maanta la geynayaa goobaha codbixinta, gaar ahaanna deegaanda ay rabshaduhu hareeyeen xilligii ay dheceysay wareeggii koowaad ee doorashada.Ilaa 900 oo goobood ayaysan doorashadu ka dhicin wareeggii koowaad sababa ammaan awgood balse waxaa hadda goobahaasi la geynayaa ilaa 5000 oo askari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here