Xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo muddo bil aan shaqeyn, kaddib weerarkii bishii July

0
607

Xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo muddo bil aan shaqeyn, kaddib weerarkii bishii July

Xaruntii Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Otto Otto ayaa muddo bil ah shaqeyn, iyadoo dhismaha xaruntaas uu ka muuqdo burburka weerarkii Al-Shabaab ku qaaday 7-dii bishii July ee la soo dhaafay.

Muddo bil ah oo ay ka soo wareegatay weerarkaas xarunta labada wasaaradood lagu qaaday wax dayactir laguma bilaabin, iyadoo uu ka muuqdo burburkii ka dhashay qaraxyadii lagu weeraray.

Burburka ka muuqda dhismaha xaruntaas ayaa mar kale tusaale u ah sida aanay degdeg ugu soo kabsan hey’adaha dowladda, kaddib burburkii dowladdi dhexe.

Dadka ayaa is weydiinaya soo kabasho la’aanta xarumihii hey’adaha dowladda, halka goobaha rayidka ee ku waxyeelooba qaraxyada la arko iyadoo durbaba lagu bilaabo dayactir iyo dib u dhis.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha labada wasaaradood ee degenaa dhismaha Otto Otto ayaa sheegay in aanay wax shaqo ah ka socon Xarunta, mana jirto illaa iyo hadda dayactir lagu bilaabay dhismaha uu burburka ka muuqdo.

Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa laga soo xigtay in muddo todobaad ah ku shaqeeyeen Hotelo, balse markii dambe ay u suura geli weyday sababo amni awgeed.

Lama oga illaa iyo hadda sababta Madaxda Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga isugu mashquulin waayeen dhismaha xaruntan iyo sidii mar kale loogu bilaabi lahaa shaqooyinkii iyo adeegayadii bulshada loogu hayay.

Xafiiska uu ku shaqeynayay Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow oo burbur ka muuqdo

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here