Trump sodogii iyo sodohdii oo dhalashada Maraykanka qaatay

0
894

Trump sodogii iyo sodohdii oo dhalashada Maraykanka qaatay

Madaxweyne Donald Trump sodohdii iyo sodogii ayaa noqday muwaadiniin Maraykan ah iyaga oo loo sameeyay xaflad gaar ah.
Viktor iyo Amalija Knavs oo ah waalidka Melania oo ah xaaska Trump ayaa asal ahaan u dhashay Slovenia, dhaarta muwaadinnimada ayayna ku mareen New York Khamiistii, sida uu xaqiijiyay qareenkooda.
Wuxuu sheegay in lamaanahaasi ay Maraykanka ku joogeen sharciga degenaanshaha ee green card-ka loo yaqaanno oo ay gacan ka siisay Melania.
Trump ayaa horay u dhaliilay dadka Maraykanka ku soo gala qoysnimada.
Shimbiro dabar go’ ku dhow oo misne ugxaan tiro badan laga burburiyay
Kim Jong-un miyuu ku ballan furey Trump?
Wasiir wax ka sheegay xaaskiisa isaga oo la jooga reer xididkiis!
Wuxuu ku baaqay in la sameeyo hab dadka xirfadleyaasha ah ka hormarinaya dadka qaraabada ah, wuxuuna weeraray shuruucda soo galootiga iyo dadka soo galootiga ah laftirkooda.
Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @realDonaldTrump
Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @realDonaldTrump
Melania Trump ayaa dhalashada Maraykanka qaadatay 2006dii, ka dib markii ay dalkaas ku gashay dal ku galka loo yaqaanno “dadka awoodaha qayru caadiga ah leh” iyada oo 2001dii markaas ku shaqaynaysay dadka ii dhehyada sameeya.
Sharciga socdaalka ee Maraykanku wuxuu dhigayaa in Melania waalidkeed ay haystaan sharciga daganaanshaha ugu yaraan shan sano ka hor inta aysan jinsiyad dalbanin.
Qareenkooda oo xalfadda jinsiyada kala qayb galay ayaa sheegay in ay buuxiyeen shuruuddii shanta sano ahayd, balse wuu diiday in uu saxafiyiinta siiyo faahfaahin intaas ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here