Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalaadda Dowlad Deegaanka Soomalida Ee Itoobiya

0
684

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalaadda Dowlad Deegaanka Soomalida Ee Itoobiya

Dadweyanaha ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa ku sugan xaalad hubaanti la’aan ah oo ay dhagaha u tagaayaan waxa dhici karo iyadoo dhawaan gobolkaasi ay rabshado ka dhaceen.

Labo diyaaradeed oo kuwa dagaalka ah ayaa maanta lagu arkay hawada magaalada Jigjiga.

Shir ayaa hadda ka socdaa dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta ka tirsan xisbiga talada haya balse lama sheegin arrimaha laga hadlayo kulankaasi.

Inkastoo magaalada Jigjiga meelaha qaar goobaha ganacsiga maanta la furay.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in dadka kasoo jeeda qowmiyadaha kale ee ku sugan gobolka inay u qaxeen dhanka magaalooyinka Harar iyo Addis ababa.

Ciidammada Liyu boolis ee ku sugnaa deegaan u dhaw magaalada Dhagax-buur inay ka baxeen halkaasi ka baxeen oo ay gaadheen deegaanka Shilaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here