Kulan Dhex Maray Faysal Cali Waraabe Iyo Qalbi Dhagax + [ Maxay Ka Wada Hadleen]

0
833

Nairobi (DN):- Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxa kulan gaar ah ku yeeshay guddoomiyahaxisbiga mucaaridka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo kamid ah jabhadda ONLF. Kullankaniayaa la sheegay in Faysal Cali Waraabe iyo Qalbi-dhagax in ay arrimo badan kaga wada hadleen.Sawirraan lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya Faysal Cali Waraabe iyo Qalbi-dhagax oo sawir ku wada jira.Faahfaahin dheeriya lagama helin arrimaha ay ka wada hadleen Faysal iyo Qalbi-dhagax.Waxa xusid mudan in guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland Ucid Eng. Fayasal Cali Waraabe uu bishii la soo dhaafay ku dhawaaqay in Hargeysa lagu casuumi doono Cabdikariim Qalbi-dhagax oo dhawaan laga soodayay xabsi guri ku yaalla Itoobiya kadib markii dawladda federaalka Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya iyada oo ku eeday argagixiso iyo in aanu ahayn nin dhallasho Soomaali ah sitta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here