Hargeysa Oo Cashuurta Laga Qaadaa Ay Waddo U Jari Wayday”Haddii Aad Doonaysaan Waddo Iska Bixiya 40%….” Duqa Hargeysa

0
801

Duqa Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in Qalabka Dhismaha Wadooyinka iyo Shaqaalaha Dawladda Hoose ay u fadhiyaan, ka dib markii ay bulshadda ka waayeen in ay iska bixiyaan qaadhaan dheeraad ah oo la damacsan yahay in lagu dhiso wadooyinka.In kasta oo shacabka Ku dhaqan Magaaladda Hargeysa laga uruuriyo cashuuro kala duwan, hadana Duqa Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa dhismaha Wadooyinka oo ay Dawladda Hoose shaqadeeda lahayd markii ugu horeysay u duway waji kale.Waxa uu ku adkaysanayaa in 40% dhismaha Waddooyinka laga rabo Shacabka Caasimadda, halka 60% oo ah inta kalena ay iyagu bixin doonaan.Sidaasna waxa uu ku sheegay maruu ka hadlayay xaflad lagu furayay dhismahawaddooyin laga hir gelinayo degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee Magaaladda Hargeysa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa.“Waxa aan u sheegaynaa dadweynuhu in ay iska soo bixiyaan qaadhaanka lagu dhisayo wadooyinka, waxaana laga doonayaa in ay la yimaadaan 40%, inta kalena waxa ku dari doonta Dawladda Hoose, iminka Dawladda Hoose iyo Qalabkeedii Halkaas waxa ay u fadhiyaan Shaqo La’aan.Waxa aan leeyahay dhici mayso xaafada ay doontoba ha ahaatee in wax loogu dhiso wax ka duwan waxaas lagu heshiiyay” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here