Waa Kuma Madaxweynaha Cusub ee Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Muxuuse Ka Yidhi Xaaladda?

0
1025

Jigjiga<(DN):-Madaxweynihii dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa caawa fiidkii is-casilay, ka dib markii maalmihii u dambeeyey Qulqulatooyin ka socdeen magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad-deegaanka oo ay Millateriga Federaalka Itoobiya la wareegeen, waxaana Xilkaas si ku-meel-gaadh ah loogu magacaabay Madaxweyne Cusub.Waxaa Madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Wasiirka Warfaafinta Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Madaxweyne Cabdi Maxamuud uu xilka iska casilay.Is-casilaadda Madaxweynaha, ayaa ka dambeysay ka dib markii Millitariga federaalka Itoobiya loo daabulay magaalada Jigjiga iyo deeganno ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyada oo Jigjiga ay ka dhaceendhibaatooyin sababay dhimasho iyo dhaawac iyo in hantidii magaalada badi la bililiqaysto, Dad badanina ka qaxeen Jigjiga.Waxaa la rumaysan yahay in Cabdi Maxamuud Cumar ay cadaadis ku saartay dowladda dhexe inuu xilka iska casilo kaddib markii dibadbaxyo ay ka dhaceen halkaasi iyo dagaallo dhexmaray qowmiyadaha Soomaalidaiyo Oromada.“Dawlad-deegaanka Soomaalida iyo dalka Itoobiya waxa ka jira Sharci iyo Distoor, oo ah kuwo deegaan iyo kuwo federaal. Dawlad-deegaanka soomaalida Ethiopia waxa ka jira Xisbiga shacabka dimuqraadiga Ethiopia oo ahXisbiga wakhti xaaddirkan ma jaraha u haya, markaa golaha sarre guddidiisa fullinta ayaa fadhiistay oo go’aan qaatay. Go’aankan waxaka go’aamiyay golaha sarre ee xisbiga” Ayuu yidhi Madaxweynaha cusub ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.Madaxweynaha cusub ee dowlad-deegaanka Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed, ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in Madaxweyanaha xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar caafimaadkiisu wanaagsan yahay, isla markaana uu bad-qabo. Wuxuu sidoo kale in Cabdi Maxamuud Cumar weli yahay Madaxa Xisbiga ka arrimiya dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here