Sacuudiga Oo Hakiyey Duulimaadyada Canada [ Sababta ]

0
737

Riyaadh (DN):-Sharikadda duulimaadyada boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay hakinayso duulimaadyada aada ama kayimaada magaalada dalka Canada ugu wayn ee Toronto, laga bilaabo Isniinta Soo socota.Waa tallaabadii ugu dambaysay ee muranka diblumaasiyadeed ee sii kordhaya ee u dhexeeya labada dal.Goor sii horraysay, ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga, Adel al-Jubeir, waxa uu Canada ku eedeeyey faragalin arrimaha gudaha ah ayadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo kusugan Sacuudi Carabiya.Ayadoo arrintaa ka falcelinaysa, xukuumadda Riyaad waxay eriday safiirkii Canada waxay kaloo hakisay iswaydaarsiga barnaamijyada dhanka waxbarashada.Wasiirka arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland ayaa sheegtay in dalkeedu uu waligiis u taagnaan doono xuquuqda aadanahaiyo xuquuqda haweenka.Jimcihii ayay Canada walaac ka muujisay xadhiga lagula kacay dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo ku sugan Sacuudi Carabiya, oo ay kujirto gabadha caanka ah ee xuquuqda haweenka u ololaysa Samar Badawi,Canada-na ay ku baaqday siidayntooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here