Dowlada Jabuuti oo ka daad guraysanaysa Muwaadiniinteeda magaalada Diri-dhaba

0
761

Dowlada Jabuuti oo ka daad guraysanaysa Muwaadiniinteeda magaalada Diri-dhaba

Dowlada Jabuuti ayaa bilowday inay ka daadgureyso muwaadiniinteeda ku sugan magaalada Diri-dhaba ee dalka Ethiopia.

Dadka la daadgueynayo ayaa badankood ah dad dalxiis u tegey maadaama lagu jiro xilliga xaggaaga oo ay dalka Jabuuti kuleyl daran uu ka jiro.

Dowlada Jabuuti ayaa u soo dirtey diyaarag khaas ah dadkan oo tiradooda lagu sheegay inay ka badan tahay labo boqol oo ruux.

Arrintan ayaa timid ka dib markii rabashada Diridhaba ka socda lagu dilay ugu yaraan sagaal ruux oo reer Jabuuti ah,kuwaasoo afar ka mid ah ay ahaayen isku qoys.

Rabshadaha Diridhabo ayaa ku salaysan qoymiyado waxaana magaaladaas ku dagaalamay Soomaali iyo Oromo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here