UPDATES : Wararkii ugu dambeeyay Xaalada magaalada Jigjiga

0
717

UPDATES : Wararkii ugu dambeeyay Xaalada magaalada Jigjiga

Xaalada magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa degan, maalin kaddib markii magaalada ay ka dhaceen rabshado iyo qalalaase, taasoo xaalada magaalada ka dhigtay mid kala dambeyn la’aan ah.

Inkastoo xaalada magaalada tahay mid degan, hadana ma jirto wax shaqo oo maamulka deegaanka wado, tan iyo markii sabtidii la soo dhaafay ay rabshadaha ka dhaceen magaalada.

Mas’uuliyiin ka socota dowladda Itoobiya ayaa gaaray magaalada Jigjiga, kuwaasoo wada hadalo la leh mas’uuliyiinta maamulka DDSI.

Kulamada socoda ayaa qeyb ka ah sidii lagu xalin lahaa xiisada ka taagan magaalada, isla markaana is bedel uu imaan lahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar lagu cadaadinayo inuu is casilo oo uu xukunka ka dago, si aanay xiisada ka jirta magaalada u dheeraan.

Ciidamada ka socda Milateriga Itoobiya ayaa kor kala socda xaalada magaalada, iyadoo weli xarumaha muhiimka ay joogaan ciidamada, waxaa kaloo iyana la soo sheegayaa in ciidamo la dul dhigay xarumaha ay ku sugan yihiin Ciidamada loo yaqaan Liyuu Boolis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here