RW Kheyre Oo Ka Qayb-Galay Sanad Guuradii 20-Aad Ee Aas’aaskii Puntland+SAWIRO

0
821

RW Kheyre Oo Ka Qayb-Galay Sanad Guuradii 20-Aad Ee Aas’aaskii Puntland+SAWIRO

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa xalay lagu qabtay Munaasabad lagu xusayey Sanad Guuradii 20-aad Ee Ka soo wareegtay markii la aas’aasay Maamulka Puntland

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  ka qayb galay xuska sanad guurada 20-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Puntland oo ku beegneyd 01 August 1998.

Sidoo kale Xuska maalintani taariikhiga ah oo lagu qabtay Garoowe ayaa waxaa ka qayb galay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre,ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka dalka iyo inta badan Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya,Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cadullaahi Cumar Camey, Golayaasha Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka, isimo, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacab aad u tiro badan.

Ra’iisul Wasaaraha Sooomaaliya Xasan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyey Munaasabada ayaa sheegay in uu cadeynayo in Maamulka puntland uu iska diiday lana dagaalamay waxa uu ugu yeeray cadaw ee Al-Shabaab iyo Daacish oo mararka qaar weeraro ka geysta deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa isna dhankiisa waxa uu soo hadal qaaday xiiisada Puntland kala dhaxeyso Soomaaliland,isaga oo sheegay in aysan aheyn wax wanaagsan in 20-sano ka dib Puntland ay ka hadasho difaacida deegaanadeeda.

Gaba gabadii dhammaan dadkii munaasabada ka qeyb galay ayaa Puntland waxa ay ugu hambalyeeyeen Sanad-guuradii 20aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here