Qashinka iyo caaga oo lagu tuuro Waddooyinka waxa ay sababaan aafo aan la mahadin

0
935

Qashinka iyo caaga oo lagu tuuro wadooyinka waxa ay sababaan aafo aan lamahadin. Islamarkaana dhulka xaalufciya Qashinka oo kusoo badanaya dalkeena siiba cagaadahabiyaha laga cabo ee warshadaha dalku soo saaraan islmar ahaantaana markay dadku biyaha ka cabaane wadooyinka ku tuuraan baabuurtana ay jiidho. waxay bilicda ka qaadaan Quruxdii Waddooyinka. Hadaba maanta waxaynu maqaalkeenan kusoo qaadanaynaa siyaabaha lagu cidhibtiri karo cagaadaha ama looga faa,idaysan karo. Hadaba siyaabo badan ayaa looga faa’idaysan karaa islamarkaana iskaga yarayn karnaa Qashinka Caagadaha. Faa’idada ugu wayn ayaa ah in laga dhisan karo guryo daara ah, islamar ahaan taana ka Qarash yar agabyada loo isticmaalo dhismiyaasha sida jaajuurka iyo dhagaxa Dadbadan ayaa laga yaabaa oo maqaalkan akhrinaaya in ay rumaysan waayaan caagadaa laga sameeyaa Guryo iyo dhisme Aduunyadu dadyowga ilaahay ku uumay waa kuwa maalinba maalinta ka danbaysa ikhtiraacayaa waxyaabo badan oo aadmiga ku cusub. Anigaygan Qoraaya maqaalkan waxaan indhayga kusoo arkay guri laga sameeyey cagaadaha yaryar ee laga cabo biyaha oo laga dhisay magaalada Burco. Ugu danbayn waxaan bulshada Somaliland ku dhiirigalinayaa inay dhismayaashooda u adeegsadaan Agabkaa aan soo dheegnay

Nala badbaadi
nala daryeel
nala bilci
ururka Sedvo_Ururka_Horumarinta_Deegaank_Somaliland

SEDVO.Org02@gmail.com
0633195559

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here