Xukuumadda Oo Ka Cabatay Dhul La’aan

0
949

Xukuumadda Oo Ka Cabatay Dhul La’aan
Xukuumadda Somaliland, ayaa walaac xoogga ka muujisay dhul la’aan ay sheegtay in ay hayso isla mar ahaantaana ay arrintaasi caqabad ku noqotay shirkadaha Maal-gashi ee doonaaya in ay dalka Maal-gashadaan Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga Somaliland Md Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo la hadlay talefeeshanka Somali Cable, ayaa sheegay in dhul la’aantu ay dhibbaato weyn ku hayso dawladda isla mar ahaantaana loo baahan yahay in wax ka bedal lagu sameeyo xeerka dhulka.“Caqabadda ugu weyn ee na haysataa waadhul, maal-gashigu na dhul kama maarmo oo shirkad kasta iyo cid kasta oo aad kulantaan wuxu ku odhanayaa dhul noocaas ah baanu u baahan nahay, dawladdii na dhul gacanta ugu ma jiro, markaa waa dhul la wada qabsadey oo cidda docmentiyo u haysataana way iska yar tahay oo awoowgay iyo ayeydey baa halkan adhiga ku raaci jirtay baa uun la odhanayaa, markaa runtii waa qorshaha koowaad ee aanu is lee nahay wax ka qabta oo in xeerarka dhulka wax laga bedalo runtii, waana runti caqabadda ugu yar taasi oo inta dhul awgeed ay xabadi innooga dishay ama isku wada qabsadey ooisku haysta ayaa iyagu na badan.”.Ayuu yidhi Md.Maxamed Cawad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here