Maamulka DDSI Oo Magacaabay Degmooyin Cusub & Inta Loo Magacaabay Degaannada Reer Somaliland Degan

0
1203

Maamulka DDSI Oo Magacaabay Degmooyin Cusub & Inta Loo Magacaabay Degaannada Reer Somaliland Degan Hargeysa Wararka ka imanaaya Dawlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa sheegaya inla ballaadhiyey qaab dhismeedkii deegaanka ee magaalooyinka hoos yimaada hoos yimaada maamulkaasi.Hadda ba, wargeyska Waaberi oo aad iskugu dayey in uu helo xogta rasmiga ah ee magaalooyinka cusub iyo degmooyinka ayaa ay aad u adkeyd heliddeedu, waxaana xogaha rasmiga ah ee soo gaadhay Wargeysku ay sheegayaan in la magacaabay 99 Degmo iyo 23 Council oo ah ismaamul magaalooyin Wargeyska Waaberi oo aad ugu sii kuur-galay xogta ku saabsan magaalooyinkan iyo degmooyinkan cusub ee la magacaabay, ayaa waxa uu helay qeybo ka mid ah magaalooyinka iyo degmooyinka loo magacaabay dadka ka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse wadan ahaan ka tirsan dalka Itoobiya, waxaana inta illaa hadda la og yahay ay wararku sheegeen in loo magacaabay 5 Degmo iyo Laba Magaalo Ismaamul, waxaana ay kala yihiin sidan
(1)Harta-Sheekha, waxa loo magacaabay in ay noqoto
Degmo
(2)Laanqeyrta, waxa loo magacaabay in ay noqoto Degmo
(3)Gor-gor, waxa loo magacaabay in ay noqoto Degmo.
(4)Rabaso, waxa loo magacaabay in ay noqoto Degmo
(5)Balli-dhiig, waxa loo magacaabay in ay noqoto
Degmo(6)Gaashaamo, waxa loo magacaabay in ay noqoto Ismaamul Magaalo Xarshin, waxa loo magacaabay in ay noqoto Ismaamul Magaalo.Magaalooyinka iyo degmooyinka la magacaabay, ayaa lagu ansaxiyey kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha Xildhibbaanada dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxaana sidaas lagu ballaadhiyey qaab dhismeedkii degaanee Maamulkaasi Dadweyne tira badan oo ka soo jeeda Somaliland, ayaa si aada u soo dhaweeyey tallaabadan iyada oo baraha bulshada laguarkaayey hambalyo iyo boggaadin loo diraayo maamulkaasi

Source: Wargeyska Waaberi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here