Colaadii Ceel-afweyn Oo Maanta La Soo Afjarayo Cabdiraxmaan Cirro Iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Gaadhay Goobta Ay Ka Socotay Nabadayntu + Wararkii Ugu Dambeeyay

0
709

Colaadii Ceel-afweyn Oo Maanta La Soo Afjarayo Cabdiraxmaan Cirro Iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Gaadhay Goobta Ay Ka Socotay Nabadayntu + Wararkii Ugu Dambeeyay

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro iyo hoggaayaha xisbigaasi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa xalay cawayskii dambe ka ambaxabay magaalada Hargeysa iyaga oo ku sii jeeda deegaanka Ceel-afweyn.

Ujeedada safarka Hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI ayaa lagu sheegay inay ka qayb-galayaan xalinta colaada labada beelood ee walaalaha ah oo maalmihii u dambeeyay ka socotay deegaanka Ceel-afweyn.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici ayaa isaguna shalay galab safar ka baxay magaalada Hargeysa isaga oo ku sii jeeda Deegaanka ay ka socoto nabadayntu ee Ceel-afweyn.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna labadii maalmood ee uu dambeeyay ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ayaa la filayo in maanta dib ugu noqdo Ceel-afweyn kana qayb-galo soo afjirada Colaada Ceel-afweyn.

Gabagabadii waxa maanta la filayaa in go’aamo kama dambays ah laga soo saaro colaada dabada dheeraatay ee u dhaxaysa labada beelood ee walaalaha ee wada dega deegaanka Ceel-afwey.

Halkan la soco wixii warar ah ee ka soo kordha arrintan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here