Madaxweyne Farmaajo oo saaka ku sii jeeda Afgooye iyo Ciidamo horudhac u ah oo gaaray

0
729

Madaxweyne Farmaajo oo saaka ku sii jeeda Afgooye iyo Ciidamo horudhac u ah oo gaaray

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku sii jeeda degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ammaanka degmadaas iyo nawaaxigeeda si aad ah loo adkeeyay.

Ciidamo isugu jira Milateri, Boolis iyo Nabadsugid oo aad u hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe gaaray Afgooye, si ay ugu gogol xaaraan Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay ka soo laabtay safar qaatay saddex cisho ayaa la filayaa in marka uu tago Afgooye uu kulamo la qaato maamulka deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dadka deegaanka Afgooye ayaa soo sheegaya in xaafado ka tirsan Afgooye uu saaka ka socdo howl gallo lagu sugayo ammaanka, isla markaana guri guri loo baarayo.

Howl galada lagu xaqiijinayo amniga magaalada ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya eeyo u tababaran urinta waxyaabaha qarxa.

Beerta Sheekh Zaayid ayaa loo diyaariyay Wafdiga Madaxweynaha ee saaka ku wajahan Afgooye, waxaana la wareegay ammaanka beerta iyo nawaaxigeeda Ciidamada Madaxtooyada.

Bishii May ee Sanadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynuhu uu safar dhulka ah ku tagay degmada Afgooye oo qiyaastii 30KM dhanka koofur galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Afgooye ayaa muddooyinkii u dambeeyay marti gelisay weeraro Al-Shabaab ku qaadayeen fariisimaha ciidamada dowladda ku leeyihiin gudaha iyo daafaha degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here