Israa’iil oo xabsiga dhigtay gabadh Falastiiniyiinta gabay ku guubaabisa

0
734

Israa’iil oo xabsiga dhigtay gabadh Falastiiniyiinta gabay ku guubaabisa

Gabadh Carabta Israa’iil ah oo gabayda ayaa xukun xabsi ah loogu riday in ay rabsho abuuraysay ayna taageertay koox lagu shaanbadeeyay in ay argagixiso yihiin, waxaana loo cuskaday waxyaabo ay onlineka galisay.

Dareen Tatour ayaa la xiray sannadkii 2015 iyada oo loo haysto saddex waxyaabood oo ay onlineka soo galisay oo ay ka mid yihiin gabay ay tirinayso oo la saaray muuqaal Falastiiniyiin gadhaxaan tuuraya.

Waxay sheegtay in gabaygeeda Khalad laga fahmay, isla markaasna aysan ku baaqin in rabshado la sameeyo.

Tatour, oo xukunka lagu riday bishii May ee sannadkan ayaa shan billood la xiray.

Wariyaha BBC Yolande Knell oo ku sugan Qudus ayaa sheegtay in gabaygaasi uu caan ka dhex noqday dadka u ol’oleeya xoriyatul qawlka uuna horseeday in dareenka loo soo jeediyo dadka ay Israa’iil xirxirto ee kala ah Carabta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaas oo ku eedaysan in ay kicin sameeyeen ama ay weerarro online-ka ka qabanqaabinayeen.

Israa’iil ayaa sheegtay in kicinta baraha bulshadu ay horseeday weerarro badan oo loo adeegsaday mindiyo, toogasho iyo gawaari dad la jiirsiiyay oo galaaftay nolosha 55 ruux oo reer Israa’iil ah tan iyo sannadkii 2015kii, weerarradaas waxaa gaystay Falastiiniyiin ama Carabta Israa’iil.

Falastiini dhagaxtuur samaynayaLahaanshaha sawirkaAFP

Boqollaal ruux oo dadkii weerarka soo qaaday ah ayaa la dilay, kuwo kale oo badanna xabsiyada ayaa la dhigay iyaga oo weerar qaadaya, sida ay Israa’iil sheegtay.

Xukunka ka dib Tatour waxay sheegtay in aysan la yaabin go’aanka maxkamadda.

“Xabsi baan sugayay, taas ayaana dhacday. Caddaalad ma sugaynin, dacwaddayduna way siyaasadaysnayd, sababtana aan ku billaabee waa in aan Falastiiniyad ahay.

Sababtoo ah waa xoriyatul qawl, waxaana la ii xiray in aan Falastiiniyad ahay, waxay sidaas u sheegtay wargayska Haaretz ee Israa’iil laga leeyahay.

Tatour oo 36 jir ah ayaa la xiray bishii Oktoobar ee sannadkii 2015kii, markii ay bilo xirnayd ayaana xabsi guri loo wareejiyay bishii Janaayo ee 2016kii.

Markii hore guri Tel Aviv ku yaalla ayaa lagu karantiilay, laamaha ammaanka ayaana dhaqdhaqaaqa u diiday iyaga oo sheegay in ay halis ku tahay ammaanka bulshada.

Tatour waxaa lagu dacweeyay saddex waxyaabood oo baraha bulshada la soo dhigay markii ay billawdeen weerarro si shaqsiyaad ah loo fuliyay oo dad badan oo reer Israa’iil ah lagu bartilmaameedsaday.

Midka koobaadna wuxuu ahaa muuqaal gabaygeeda la saaray oo ay ka dhex muuqdaan Falastiiniyiin mudaaharaadaya oo dhagaxaan tuuraya kuwaas oo qaarkood ay warafyo adeegsanayaan.

Gabaygeeda waxaa ka mid ahaa “Dadkaygoow dhiidhiya, ka dhiidhiya. Boobka ay wadaan dadka dhulkeena qabsaday ka dhiidhiya, qaada waddadii halyay yada”.

Gabaygan ayaa la soo dhigay markii ay socdeen weerarro badan oo mindiyo iyo hub loo adeegsaday oo ka dhan ahaa Isra'iiliyiintaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionGabaygan ayaa la soo dhigay markii ay socdeen weerarro badan oo mindiyo iyo hub loo adeegsaday oo ka dhan ahaa Isra’iiliyiinta

Dacwaddii lagu soo oogay ayaa lagu sheegay “in gabayga iyo xaaladda lagu jiray marka la soo bandhigay in ay abuurtay suurtagalnimada in rabshado iyo falal argagixisonimo la gaysto”.

Laakiin Tatour waxay sheegtay in gabayga si xun loo tarjuntay.

“Maysan fahmin gabaygayga” ayay ku tiri wakaaladda wararka ee Reuters oo ay la hadashay sannadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here