Waxaa la’is weeydiinayaa sababta Trump uu u weeraro warbaahinta

0
716

Markii madaxweyne Donald Trump uu kolkii koowaad warbaahinta ugu yeeray “cadawgadadka” ee sanadkii hore, waxaa ka dhashay carro weyn.Xildhibaanka Aqalka Sare ee gobolka Arizona Jeff Flake ayaa ku tilmaamay weerar aanan loo meel dayin oo uu Aqalka Cad ku qaaday saxaafadda xorta ah.Mar labaad iyo mar saddexaad ayuu ku celiyay, illaa heer ay hadda iska noqotay wax iska caadi ah oo ay dadka la qabsadeen, wuxuuna awood u yeeshay in uu si qayaxan isu hor taago wax kasta oo ay dadka la tahay in aysan wanaagsanayn.Hadda marka uu kalmadaas isticmaalo, inkasta oo aysan noqonin ciwaan wargeysyada kusoo baxa, haddane war fidiyeenada waa ay dareemaan.Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii nin hubeysan uu rasaas oodda uga qaaday xafiiska wargeys ku yaala Maryland.Madaxweyne Trump ayaa fariin uu kusoo qoray boggiisa Twitter-ka waxa uu u muuqday in uu warbaahinta dusha u saarayay eedda ah in uu isaga ugu yeer”Cadawga Dadka”.*.Trump: uma bogin ninka i baaraya balse shaqada kama eryayo*.Trump: Heshiiska K/Waqooyi waa mid dunida oo dhan anfici doono*.Taageerayaasha Trump oo Kampala lagu xirayTrump isaga waxa ay u tahay haddiiba uu dhib jiro, waa dhib ay saxaafadda keentay, tahayna in ay xaliso.Balse isaga ayaa is buriya, tusaale marka uu doonayo in uu wax iska difaaco, waxa uu isticmaalaa warbixinada wargeyska New York Times ee la xiriira baaritaanka fadeexadda Ruushka ee Mr Robert Mueller.Hase yeeshee marka isla wargeyska uu qoroxogo ku saabsan maamulkiisa waxa uu ugu yeeraa “been abuur”.Tan ayaana ah arrinta fasiraadda ka bixinaysa waxa oo dhan, madaxweynaha waxa uu doonayaa in warbaahinta ay ka qorto warar isaga u xaglinaya, kuwa kasoo horjeedana ay ka qorto warar lid ku ah.Waana sababta uu si joogto ah warbaahintau weeraro.Fikradan waxa ay aad uga shaqaysaa dhanka Isboortiga, oo waxaa la murjiyaa garsooraha, balse marka ay siyaasadda timaadho dhibaatada ay gaysan karto ayaa aad u badan.Trump isaga garsooraha ayuuba su’aal galinayaa, waana arrin u shaqaysay, gaar ahaan dadka isaga aadka u taageersan.Daraasad uu sameeyay taleefishinka CBS ayaa waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 90% taageerayaasha Trump ay aaminsanyihiin hadalka Trump uu warbaahinta ka sheego.Waxaase la sheegayaa in madaxweynaha uusan joojin doonin qaabka uu hadda arrimaha u wajaho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here