India: 4 Milyan oo Qof oo Muslimiin u Badan oo Jinsiyaddii Muwaadinnimo Laga Noqday

0
828

India: 4 Milyan oo Qof oo Muslimiin u Badan oo Jinsiyaddii Muwaadinnimo Laga Noqday

Xukuumadda India ayaa Isniinta maanta ee July 30, 2018. ku dhawaaqay iney jinsiyaddii muwaadinnimo ka xanyuubisay 4 milyan oo qof oo ka soo jeedda gobolka Assam(Koonfur-bari), laguna daray liisna dadka muwaadinnimadooda laga shaki san yahay.

Go’aankan ayaa dhaliyay cabsi ballaaran oo ku aaddan in dadkan oo u badan Muslimiinta ku hadla luqadda Bengali-ga in loola dhaqmo sidii Rohingya oo kale lana tarxiilo.

Maamulaha guud ee xafiiska dad dhigista ee dalka India ayaa yiri: “Waa maalin taariikhi ah oo uu soo hoyatay gobolka Assam iyo India guud ahaan. tallaabo muhiim ah ayaan horey u qaadnay taas oo ku aaddan inaan faafinno liiskii qabo qoraalka diiwaangelinta muwadiniinta.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in dadka liiska iska waayay ay: ” Haystaan fursad weyn” si ay uga mid noqdaan liiska kama dambeysta ah ee dadka muwaadiniinta rasmiga ah ee gobolka ka soo jeeda.”

Xukuumadda India ayaa sheegtay iney dad dhigistan cusub uga golleedahay “Iney ku xayirto dadka muhaajiriinta ah Bengali-ga ah ee aan muwaadiniinta rasmiga ah ahayn ee gobolka ku dhex dhuumanaya.”

Laakiin, go’aankan ayaa dhaliyay cabsi ballaaran oo laga qabo iney xukuumaddu dabadhigato dadka laga tirada badan yahay ee Muslimka ah ee gobolka Assam ku dhaqan.

Qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka Bengali-ga ah oo la yiraahdo Nazrul Ali Ahmedayaa BBC u sheegay: “Arrintani waa shirqool la doonayo in dhibaato loogu geysto dadka”, waxa uu hadalkiisa siir raaciyay “Dadka si bareer ah ayey ugu hanjabayaan, wixii Rohingyaku dhacay ee gudaha Myanmar, halkan wey ka dhici karaan.”

BBC News (UK)

@BBCNews

Assam: Four million risk losing India citizenship https://bbc.in/2OqSkFr 

A woman holds up a draft list of the National Citizen's Register in Assam

India strips four million of citizenship

Officials say this does not mean immediate deportation and an appeal process will be available.

bbc.com

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here