Dadka reer Zimbabwe oo u dareeray doorasho aan Mugabe sharraxnayn

0
731

Dadka reer Zimbabwe ayaa codkooga ka dhiibanaya doorashadii ugu horraysay ee dalkaa ka dhacda tan iyo markii Robert Mogabe xukunka laga tuuray bishii Noofember ee kal hore.Waa markii ugu horraysay tan iyo 1980-kii ee dalkaas ay ka dhacdo doorasho aan magaciisu ku oollin waraaqaha codbixinta.Safaf dhaadheer ayaa dadku waaberigii ka hor ba galeen.Kumanaan qof oo goobjoogayaal caalami ah iyo kuwo maxalli ah ayaa dalka jooga oo doonaya in doorashadu si haboon u dhacdo.Ninkii Mugabe xafiiska uga dambeeyey, horena ay jaalka u ahaayeen, Emmerson Mnagagwa, ayaa hunguri ka hayaa in uu kalsooni u helo xukunkiisa oo uu sii hayo talada dalka.Dadka la loolamaya ninka ugu cadcadi waa hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee MDC, Nelson Chamisa. Labada nin ba waxay ballan qaadeen in ay dib u bakhti afuufayaan dhaqaalaha dalka ee ku ragaaday xukunkii Mugabe.Axaddii ayaa Manangagwa waxa uu ku eedeeyey Chamisa in uu heshiis la galay madaxweynihii hore ka dib markii uu Mugabesi duur xul ah u sheegay in musharaxa uu taageersanyahay yahay hogaamiyaha mucaaradka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here