7-da Xeer ee Dahabiga ah ee Noloshaada Kuu “Sahlaya”

0
898

7-da Xeer ee Dahabiga ah ee Noloshaada Kuu “Sahlaya”

Waxaan ku noolnahay nolol ay mushkilado badani ku hareeraysan yihiin, ha noqoto dhinacyada shaqda, waxbarashada iyo mid shakhsi ahaaneed intaba, waxaa inasoo waajihi kara arrimo badan oo adag isla markaana soo noqnoqda, mararka qaar waxaan filaynaa inaan ku noolaanno nolol dabiici ah oo iska sahlan oo wax culeys ah iyo kallifaad toona aan lahayn.

Hadaba, si nolosheennu ay u noqoto mid fudud oo  sahlan uma baahana inaan marno waddo dheer, waxaa la inaga doonayaa oo qura inaan raacno xeerar dhowr ah oo la inaga doonayo inaan ku dhaqanno.

Maqaalkan kooban, maanta waxaan uga hadleynaa 7 xeer oo si aasaasi ah noogu damaanad qaadaya inaan helno nolol fudud oo ka maran kalifaad iyo culeys.

  1. Xuduud u yeel naftaada

Naftaada u yeel xayndaab aaney dhaafi karin, kala xadee arrimaha muhiimka ah iyo kuwa aan muhiimadda gaarka ah lahayn, xadee saacadaha ay howlqabad gaar ah sameynayso waqti nasasho ah sameyso isku day inaad sameyso waqti ugu badan ee aad shaqo qaban karto.

  1. Sirtu Waa Maalinta Bilowgeeda...

Dad badani marka ay hurdada ka soo kacaan isla markiiba waxey eegaan e-mail-kooda iyo iney farriin goonni ah u soo dhacday iyo in kale, dhaqankaasi ma fiicna, bilowga maalinta ka fogow taleefoonkaaga gaarka ah, si dagan u soo kac, quraacdaada qaado, maalintaada markaa kadib bilow.

  1. Habeynta guriga iyo xafiiska

Si noloshu u sahlanaato waxaa lagaa rabaa in waxwalba oo aad habeynayso, hagaajinta koowaad waa inaadan aadan wax isku adkeyn, markaa waxaa lagama maarmaan ah inaan ka hadlno habeynta guriga iyo xafiiska.

Marie KONDO, oo mowduucan buug ka qortay la yiraahdo “La Magie Du Rangement” kaas soo baxay sanadkii 2016, waxey ku sheegtay in wadada ugu wanaagsan ee wax lagu habeeyaa ay tahay in noocooda loo kala hormarinyo oo intii isku nooc ahba meel loo gaar yeelo, waxyaabaha muhiimka ah meel sare oo la arki karo la dhigo, kadib lagu xijiyo kolba siday usii kala hooseeyaan.

  1. Naftaada Sii Waqti Gaar ah 

Dhinac kasta waxaa inooga hareeraysay dad iyo asxaab inoo gaar ah, ha noqoto shaqada ama guriga, waddooyinka iyo goobaha kale, waxyaabo badan ayaan maqalnaa oo aan aragnaa, si arrimahaas oo dhan xilliyada gaar aad uga dhex baxdo waxaad u baahan tahay in maalintii ugu yaraan rubux saac ama 15 daqiiqo aad naftaada ku kali noqoto, fariiso adigoon fakareyn wax dhaqaaq ah aan sameynayn. haddii aad sidaa sameyso maalinta inta ka harsan si daganaan ah ayaad ku qaadaneysaa.

  1. Baro inaad wax diidi karto iyo erayga “Maya”!

Eraygii ugu horreeyay dhulka dushiisa waxa uu ahaa (Haa) ama (Maya).. Pythagoras.

cadaadiska ugu badan ee dadku ay waajahaan nolol maalmeedkooda waxa uu uga yimaadda erayga “Haa”, sababtuna waa meel looga baahnaa erayga (Maya) ayuu haa yiri qofku howl aanuu qaban karin ama uu dhibsanayo ayuu dusha saartay. Inaad wax diiddaa waa arrin iska dabiic ah, waxaase muhiim ah inaad waddo wanaagsan wax ku diiddo.

  1. Ka Fogow Inaad Shaqooyin Badan Isku Dul Furto

Dad badani waxey moodaan in arrimo badan oo la isku kor furo wax-soo-saar fiican uu ka dhalanayo, waxaad ogaataa markaad sidaa sameyso inaad naftaada cadaadiska ku kordhineyso, natiijada ka dhalaneysaa waa in waqti badani uu kaa lumo dadaal badanina uu kaa baxo!.

  1. Inta aadan falin Ka Fiirso

Isweyddii xilli kasta: “Maxey tahay sababta igu khasbaysa inaan sidan iyo sidan sameeyo? Yaad howsha u qabaneysaa? inaad sameyso ma dooneysaa? Ma qaban kartaa?…”

Su’aalo badan isweydii intaadan howlqabad sameyn, shay aadan la dhacsaneyn ama aadan qaban karin naftaada ha ku khasbin, noloshaada fududee oo ha isku adkayn.

Ugu dambeyn, Haddii 7 xeer aad ilaaliso, waxaad u diyaarasan tahay inaad ku noolaato nolol sahlan oo aan kallifaad lahayn.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here