Xisbiga UCID Maxuu Ka Yidhi Wararka Sheegaya In Kulan Dhex Maray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe + [ Akhriso ]

0
691

Hargeysa (DN):-Xisbiga Mucaaradka ah ee ucid ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegay in ay kulmeen guddoomiyaha xisbiga ucid Eg Faysal Cali Waraabe Iyo Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse BiixicCabdi.Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga ucid cabdi Naasir Buuni ayaa qoraal uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska war qabadka ee hadhwanaagnews waxa uu Ku cadeeyay inaanay waxba ka jirin In Ay Kulmeen Faysal Cali Waraabe Iyo Muuse Biixi Cabdi.”Ma kulmin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe mana jirto wax turxaana oo Dhexyaala labada hogaamiyeAma xukuumada iyo Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ee Ucid Gudoomiyaha xisbiga ucid waxa uu sacadaha soo socda u baxayaa safar shaqo oo kamida hawlaha uu xisbigu qaranka u hayo.Sidaas ayaa uu yidhi guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga ucid

wabilaahi Tawfiiq
Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee xisbiga ucid Cabdi Naasir Buuni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here