Shaqaale katirsanaa guddiga Doorashooyinka Ciraaq oo shaqada laga eryay

0
718

Shaqaale katirsanaa guddiga Doorashooyinka Ciraaq oo shaqada laga eryay

Shan sarkaal oo katirsanaa guddiga doorashooyinka ee dalka Ciraaq ayaa shaqadii laga eryay, kadib markii lagu eedeeyay wax isadabamrin iyo inay iibsadeen codadkii doorashada xiligii doorashooyinka kuraatsa barlamaanka ee dalkaasi.

Guddiga doorashooyinka ee dalkaasi ayaa waxaa ay shegeen in markii shaqada laga eryay kadib ay maamulayeen xafiisyada guddiga doorashooyinka ee Kirkuk, Anbar iyo meelo kale.

Saraakiishan katirsanaa guddiga doorashooyinka Ciraaq ayaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamad.

Xiligii doorashooyinka barlamaanka ee dalkaasi waxaa jiray eedeymo badan oo ahaa in lagu shubtay codadka, waxaana maxkamadda ugu sareysa Ciraaq ay amartay in qaab gacan ku tiris ah dib loogu xisaabiyo codadkii la dhiibtay ee deegaanada qaar.

 

bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here