Puntland: Furitaanka Iskuullaadka Ku Teedsan “Badda Cas” ee Sanad-dugsiyeedka 2018/2019 oo Dib Loo Dhigay

0
713

Puntland: Furitaanka Iskuullaadka Ku Teedsan “Badda Cas” ee Sanad-dugsiyeedka 2018/2019 oo Dib Loo Dhigay

Wareegto maanta ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada ee dowlad-goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay xilliga waxbarashada ay ka bilaabaneyso iskuullaadka ku yaalla Badda Cas ee Puntland.

Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof. Abshir Yuusuf Aw-Ciise, ayaa lagu sheegay: “Anagoo tixgelinayna cabashada ka timid bulshada degta Badda Cas, kuwaasoo ay ku adag tahay in waxbarashada la bilaabo bilowga bisha Agoosto oo ah xilliga kulaylku ugu daran yahay.”, waxaana waxbarashada dib loogu dhigay muddo bil ah oo waxey u furmeysaa 1/09/2018.

Wareegtadii oo dhammeystiran halkan hoose ka akhriso:

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here