Faa’iidooyinka Isku Cunista Timirta Iyo Caanaha

0
857

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa daahfuray in midhaha timirta ay ku jiraan xaddi aad u badan oo ah Faytamiinno, macdanno iyo sonkoro uu jidhku si joogto ah ugu baahan yahay maalin kasta. Marka uu qofku sooman yahay ama uuku jiro cunto yarayntana waxa ay jidhka si degdeg ah ugu keenaan faa’iidooyinka aynu soo tirinnay ee uu ka heli lahaa cuntooyinka kala duwan ee uu joojiyey ama yareeyey.Timirtu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka sida aad u dhaqsaha badan u shiidma, sidaa awgeed faa’iidooyinkeeda iyo raadkeedu ay saacado yar gudahood la falgalaan dhiigga, waxa aanay fududeeyaan shaqada dheefshiidka iyo weliba in uu cuntada si aad u fiican u shiido. Timirta waxaa ku jira khabiirro (Yeast) dabiici ah oo wax weyn ka tara nidaaminta shaqada caloosha gudaheeda ka jirta, isla markaana yaraysa dibbirada mararka qaarkood cuntada kaddib la isku arko. Haddaba marka timirta o faa’iidooyinkaas leh loo geeyo caanaha oo isku hal waqti la cuno, waxa sii kordhaysa faa’iidooyinkii laga filayey oo ay ka mid yihiin.– Waxa uu jidhku ka helaa sonkoraha, macdanaha iyo faytamiinnada uu u baahan yahay
.– Waxa uu jidhku ka helaa tamar iyo firfircooni.– Caanaha iyo Timirta isla falgalkoodu waxa ay dawo ka yihiin cadhada daran iyo dhaqso u cadhoodka, waxa ay sida oo kale ka dawo yihiin xaalado nafsi ah oo qulubka iyo isku buuqu ka mid yihiin
.– Caanaha iyo timirtu waxa ay kordhiyaan xadiidka dhiigga.– Waxa ay daweeyaan taagdarrada ku dhacda muruqa wadnaha.– Waxa ay daweeyaan calool istaagga aadka ah, gaar ahaan dumarka uurka leh.– Waxa ay daweeyaan xasaasiyadda dadku cuntooyinka qaar ku yeeshaan.– Waxa ay joojiyaan dhiigfuranka iyo dhiig baxa
.– Waxa ay caawiyaan caafimaadka keliyaha, sababtuna waa faytamiinnada ku jira ee A, J, B1, B2 iyo B3.– Waxa ay yareeyaan khatarta xiiqda iyo cidhiidhka saableyda iyo neefsiga ku dhaca
.– Waxa ay ka takhalusaan jeermiyada dhibaatada keena ee ku dhasha ama ku tarma caloosha, xanuunno badanna keena.– Waxa ay wax ka taraan taagdarrada ku dhacda xusuusta, waxa ay yareeyaan calaamadaha gabowga ee waqtigooda ka soo horumari lahaa. waxa ay xoojiyaan habdhiska difaaca jidhka, waxa aanay ka hortagaan mariidka / suntan cuntada ka samaysanta.– Waxa ay aad wax uga taraan xanuunka xaglaha ku dhaca ee Roomatiisanka iyo xubno xanuunka
.– Waxa ay furaan amateedka / doonista cuntada waxa aanay nidaamiyaan shaqada dheefsiga ee jidhku kaga faa’iidaysanayo cuntada.– Caanahai yo timirut isku jirkooda waxa ay u fiican yihiin daweynta xanuunno indhaha ku dhaca, sida habeenada iyo xuubka indhahaku samaysma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here