Erdogan iyo Trump oo isku khilaafsan baadari xabsi guri ku ah Turkiga

0
678

Erdogan iyo Trump oo isku khilaafsan baadari xabsi guri ku ah Turkiga

Andrew Brunson ayaa 21 bilood ku qaatay xabsi ku yaala dalka Turkiga isagoo lagu eedeyay inuu tageero u fidinayay fallaagaada Kurddiyiinta iyo koox kale oo lagu eedeyay inay isku dayayeen inay xilka ka tuuraan Madaxweyne Erdogan.

Mr Brunson ayaa Arbacadii lagu soo rogay xabsi guri, hasayeeshe Madaxweyne Trump ayaa arrinkaasi ugu jawaabay handdadaad iyo in u goodiyo Mas’uliyiinta Turkiga, isagoo sheeegay in baadiriga lasii daayo shuruud la’an ama xukkumadda Ankara ay kusoo rogi doonaan cunaqabateyn.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa isna horay u sheegay in haddii Turkiga uu doonayo nabad uu xabsiga kasii daayo baadarigaasi ama uu la kulmi doona cawaaqib xumida ka dhalata.

Muranka ka dhex aloosan labada dhinac ayaa sare u sii kacday kaddib markii Madaxweyne Erdogan uu ku jawaabay in loo baahanyahay Maraykanka in u wax ka beddelo qaabka u dalalka ula macaamilo ama u lumin doono xulafo daacad ah .

Si kastaba arrintan ayaa laga cabsi qaba inay saameyn ku yeelato xiriirka wanaagsan ee u dhexeeyo xukkumada Ankara iyo Washington oo laga yaabo inay saameyso dedaalada nabadda ee dalka Suuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here