Dhul gariir xooggan oo ku dhuftay jasiirad ku taalla Indonesia

0
647

Dhul gariir xooggan oo ku dhuftay jasiirad ku taalla Indonesia

Dhul gariir xooggan ayaa ku dhuftay deegaan dalxiiska caan ku ah oo ku yaalla dalka Indonesia, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof.

Dhul gariirkan oo lagu khiyaasay 6.4 cabirka dhul gariirada ayaa ka dhacay bartamaha jasiiradda Lombok ee dalka Indonesia subaxnimadii saaka.

Guriyo badan ayaa ku burburay dhul gariirka halka tiro dad ah ay ku dhawaacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Afahayeen u hadlay laanta ka hortagga masiibooyinka dalkaasi wuxuu sheegay in 40 qof ay ku dhaawacmeen dhul gariirka halka guriyo dhowr ah ay burbureen.

Afahayeenkan oo lagu magacaabo Purwo Nugroho ayaa intaasi ku daray in tirada dadka uu waxyeellada gaarsiiyay dhul gariirka la filaayo inay sare u kacdo.

.

 

Wuxuu intaasi ku daray in hadda ay wadaan howlaha gurmadka iyo samatabixinta dadka uu saameeyay dhul gariirka.

Qof goob jooge ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dhul gariirka uu xoggaana islamarkaasna ay argagexeen ayna ka carareen guryahooda.

 

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here