Raysal Wasaaraha Dawlada Fadaraalaka Somaliya Xasan Cali Khyre Oo Amaray In Ay Amisom Si Deg Deg Ah Uga Baxdo Goroonka Istadium Muqdisho

0
704

Raysal Wasaaraha Dawlada Fadaraalaka Somaliya Xasan Cali Khyre Oo Amaray In Ay Amisom Si Deg Deg Ah Uga Baxdo Goroonka Istadium Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Garoonka ugu weyn oo ay Shacabka Soomaliyeed leeyihiin uu yahay Istadium Muqdisho,isla markaana ay muhiim tahay in la baneeyo.

Waxa uu farey Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye in Ciidamada AMISOM si deg deg ah looga raro Garoonka si dib u dhis loogu sameeyo.

In kastoo Ra’iisul Wasaaraha uusan faah faahin dheeraad ah ka sii bixin hadana waxa uu cadeeyey in ay muhiim tahay in AMSIOM laga saaro Garoonka si dhalinyarada Soomaaliyeed ugu ciyaaraan Kubbada Cagta.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu ka sheegay munaasabad lagu furayey Barnaamijka Bandhigga Baahida Ciyaaraha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here